May 17, 2017 | Posted by admin

Guddiga Xeer-Hoosaadka Golaha Shacabka ayaa Maalintii 3-aad Howlo Shaqo u Jooga Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda. (Sawiro)
_______________________________________
Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Maalin-nimadii Sabtida ahayd 13/05/17 ka dhoofay Magaalada Muqdisho iyagoo howlo shaqo ku gaaray Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, ujeedada safarka ayaa ah in wax kabadal lagu sameeyo Xeer-Hoosaadka golaha shacabka, Iyadoo la eegayo qodobbadii saameynta lahaa Kalfadhigii lasoo dhaafay.
Guddiga Xeer Hoosaadka ee golaha shacabka howlaha uu u xilsaaran-yahay ayaa waxaa ka mid ah in Xeer Hoosaadka oo ah Furaha Golaha Shacabka mar walba oo Kalfadhiga Goluhu furmayo wax ka bedel iyo dib u eegis ay ku sameeyaan.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa la filayaa in uu soo xero kulankaan Maalin-nimada khamiis oo ay taariikhdu ku begantahay 18/05/17.

=Dhamaad=

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

 

COMMENTS