February 23, 2015 | Posted by admin

Caasha-Geele
shalay Muqdisho lagu qabtay xuska maalinta Afka Hooyo, ayaa guddiga dib u eegaya dastuurka qabyada ah ee dalka Soomaaliya wuxuu sheegay inuu xoogga saari doono horumarinta afka inta uu ku gudo-jiro dib u eegista dastuurka, uuna dastuurka kusoo saarayo afka Hooyo.

Caasho Geelle Diiriye oo ah guddoomiyaha guddiga dib u eegaya dastuurka Soomaaliya ee qabyada ah ayaa sheegtay inay xoogga saraayaan sidii ay u horumarin lahaayeen afkeenna Soomaaliga.

“Waxaa naga go’an inaan xoogga saarno inta aan ku jirno dib u eegista aan ku sameynayno dastuurka dalka afka Hooyo ee Soomaaliga, kaaso ah afka aan ku hadalno,” ayay Caasho Geelle ku sheegay hadalkeeda.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddigan ayaa xaflad lagu xusayay afka Hooyo ka sheegtay in dastuurka Soomaaliya ay kusoo saari doonaan afka Soomaaliga oo aysan luuqado kale ku soo saari doonin.

“Anigoo ku hadlaya magaca guddiga; waxaan ummadda Soomaaliyeed u ballan-qaadayaa in inta aan ku jirno dib u eegista dastuurka aan xoogga ku saari doono horumarinta Afka Hooyo, isla markaana dastuurka aan kusoo saari doono afkeenna, si aan u horumarino Afka Soomaaliga,” ayay mar kale tiri Caasho Geelle.

Dastuurka Soomaaliya ee haatan jira ayaa markii hore lagu diyaariyey Ingiriis, dhowr jeer oo wax laga badelayna waxaa lagu diryaariyey isla afkaas, waxaana kadib loo badelay Soomaali, taasoo waxyaabo badan mugdi gelisay, maadaama tarjamada caqabad ka timdi.

COMMENTS