August 23, 2014 | Posted by admin

Ujeedada socdaalkani guddiga gurmadka abaaraha ay u gaareen degmooyinka Doolow iyo Xudur oo ka kala tirsan gobolada Gedo iyo Bakool ayaa aheyd sidii ay u soo qiimeyn lahaayeen abaaraha qeybo ka mid ah dalka ku dhufatay, sida ay u saameysay dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan, waxaana hogaaminayey wafdiga wasiirada ka koobnaa guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ahna wasiirka beeraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Baafo, iyadoo qeyb ay ka ahaayeen wasiirka xanaanada xoolaha Saalim Caliyow Ibriow wasiir ku xigeenka biyaha iyo tamarta iyo wasiir ku xigeenka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Mas’uuliyiintani ayaa intii ay ku guda jireen booqashadooda waxaa ay la kulmeen qeybaha kale duwan ee bulshada iyo waxgaradka ku nool magaalooyinka, Doolow, iyo Xudur oo ka kala tirsan gobolada Bakool iyo Gedo, halkaasi oo mudooyin ay ka jireen xaalado bani’aadanimo, kuwaasi uu saameeyay nolosha dadka iyo duunyada, Iyadoo sidoo kale mas,uuliyiinta ay booqdeen goobo ceelbiyoodyo ahaa oo aan wax soo saar biyo laheyn halkaasi oo lagu arkayay xoolo abaar darteeda u dhintay.

Guddoomiyaha degmada Doowlow iyo qaar ka mid ah dadka ay abaaruhu ay ka laayeen duunyadii ay dhaqan jireen ayaa guddiga gurmadka abaaraha uga mahadceliyay booqashadooda ay ugu yimaadeen, iyagoo si wada jir ah u tilmaamay abaarta xiligani in ay tahey tii ugu xumeyd ee abid soo marta gobolka Gedo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Saalim Caliyow Ibroow oo goobta xoolaha abaartu ay ku dhameysay kula hadlay warbahinta ayaa ka shakeeyay qorshaha Xukuumaddu ugu gurmaneyso dadka abaaruhu saameyeen.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo wafdiga kula hadlayay kulan ay la qaadanayeen maamulka iyo bulshada Xudur ku dhaqan ayaa ka sheekeeyay abaaraha sida guud ahaan gobolka Bakool ay u saameeyeen iyo guulaha laga gaaray kooxaha xag jirka ah ee gobolkaasi ku dhuumaaleysan jiray.

Guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ahna wasiirka beeraha Cabdi Maxamed Baafo oo isna kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay socdaalkooda maanta in uu ahaa sidii xaaladaha abaaraha gobolada Gedo iyo bakool ka jirta ay u qiimeyn lahaayeen.

Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya ee uu hogaamiyo Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa markii ay soo yeertey dhawaqa ah in abaaro ku soo wajahan yihiin gudaha Soomaaliya, waxay magacowday guddi ka kooban wasiiro kuwaasi oo isku howlaya sidii abaarahaasi dhibatooyinka dadka Soomaaliyeed ay u geysan lahaayen uga hortagi lahaa balse hadda gobolada dalka waxa ka dilaacay abaaro dad iyo duunyo saameysay.

COMMENTS