August 16, 2017 | Posted by admin

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa xilligan shir uga socda magaalada Jowhar, iyadoo lagu wado in lagu doorto Guddiga doorashada Madaxweynaha oo qorshihiisu yahay in muddo 30 cisho gudahood lagu soo doorto

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre iyo labadiisa kuxigeen oo shir guddoominaya kulanka ayaa Xildhibaanada u soo jeediyay inay isku raacaan xubnaha Guddiga doorashada Madaxweynaha ka mid noqonaya.

Guddigan ayaa ka kooban 9 xubnood, iyagoo ka shaqeyn doona diyaarinta iyo qabashada doorashada Madaxweynaha,

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Guddiga doorashada ay maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonaan xilliga doorashada Madaxweynaha ay dhaceyso iyo shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta.

Xaalad siyaasadeed oo aad u kacsan ayaa ka jirta magaalada Jowhar, iyadoo Maamulka Hirshabeelle oo dhismihiisa ay ka soo wareegatay 10 bilood uu xilligan lugaha la galay khilaaf siyaasadeed.

COMMENTS