June 29, 2015 | Posted by admin

Baarlamaanka cusub ee Maamulka Galmudug oo maanta shir ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dhici doonta 4-ta bisha July.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug Cali Casir Gacal ayaa waxaa ka soo qeyb galay illaa 77 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay tirada ansixisay Guddiga doorashada, waxaana cod gacan taag ah kadib 73 Xildhibaan ayaa u codeysay, hal xildhibaan waa diiday 3 waa ka aamustay, sidaas ayaa lagu ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ee la magacaabay ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 9 xubnood oo leh Guddoomiye iyo Xogheyn sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Baarlamaanka Galmudug.

Hadaba qoraalka ka soo baxay Baarlamaanka Galmudug ee lagu ansixiyay Guddiga doorashada ayaa sida ahaa:-

COMMENTS