August 27, 2014 | Posted by admin

Muqdisho- War-saxaafadeed ka soo baxay Waasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa lagu magcaabay guddiga Farsamo ee maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Xubnaha guddiga ay magcaabday Wasaaradda Arrimaha iyo Federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ay ka koobanuihiin 27, xubnood, kuwaasi oo kala ah.
Guddigan farsamo oo 27-xubnood ka kooban ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

01. Cismaan Ciise Nuur
02. Xaliima Ismaaciil Ibraahim
03. Daahir Xasan Guutaale
04. Cabdi Faarax Jaamac
05. Dr. Khaliif Xirsi Cali
06. Iimaan Xasan Jiiroow
07. Daahir Wehliye Siyaad
08. Maryan Cabdi Geeddi
09. Cabdullaahi Cabdi Cabdulle
10. Maxamed Axmed Maxamuud
11. Cabdullaahi Maalin Gaafow
12. Axmed Dubad Cali
13. Cumar Maxamuud Mahad-Alle
14. Cabdiraxmaan Maxamuud Macalin.
15. Cumar Cali Rooble
16. Maxamuud Aadan Cusmaan
17. Cabdullaahi Muuse Maxamed
18. Maxamed Xaashi Cabdi (Garabey)
19. Cabdi Daahir Maxamed Xareed
20. Durraan Cali Farey
21. Farxiyo Afweyne Sheekh –doon
22. Xareed Cali Xareed
23. C/nuur Macali Maxamuud
24. Cowke Xaaji Cabdiraxmaan
25. Khadiijo Cadaan Cusmaan
26. Juneyd Ismaaciil Cigalle
27. Cabdullaahi Xuseen Cali

Guddigaan farsamo ayaa ka shaqeyn doona sidii loo dhisi lahaa maamul-goboleed-ka gobollada dhexe ee dhawaan ay ku heshiiyeen inay sameystaan bulshada iyo maamullada ka jira Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhiirri galin u sameysay maamullada ka dhismaya dalka ee qeybta ka noqonaya dowladda federaalka ah, ayadoo heshiisyo ay gaareen qeybaha bulshada iyo maamullada jira lagu sameeyay maamulka ku meel-gaarka ah ee Jubba. Sidoo kale waxaa hadda lagu howlan yahay dhisidda maamullada Koofur Galbeed iyo Gobollada Dhexe.

Heshiiska maamulka ayaa noqday mid diidmo badan la kulmay,waxaana Puntland oo qayb badan oo Mudug ah ka talisa ayaa sheegtay inaysan aqbali doonin dhismaha maamulka.

COMMENTS