March 26, 2015 | Posted by admin

Raysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa magacaabay guddi uu sheegay inuu qaabilsanaan doono dardar-gelinta shuruucda udub-dhexaadka u ah hiigsiga 2016.
Guddiga waxaa lagu magacaabay shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay raysul wasaaraha.
Raysul wasaare ku xigeenka xukuumadda Maxamed Cumar Carte ayaa loo xil saaray inuu hoggaamiyo guddiga oo howshiisu noqon doonto dardargelinta sharciyada muhiim ah u ah qorshaha xukuumadda ee 2016, kuwaas oo isugu jira kuwa hadda la samayn doono iyo kuwo horey loo ansixiyay.
Guddiga waxaa xubno ka ah wasaaradaha cadaaladda, arrimaha gudaha, gaashaandhigga, qorshaynta, dastuurka, haweenka iyo xuquuqul insaanka, wasiiru dowlaha xiriirka baarlamaanka iyo xukuumadda iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda.

COMMENTS