December 12, 2012 | Posted by admin

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmednuur Tarsan ayaa si kulul u weraray Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho xili uu boqolaal dadwayne ah kula hadlayay Magaalada Muqdisho.

Tarsan oo wajigiisa laga dheehan karay caro in ay ka muuqato ayaa hadalo kulul hada u mariyay Idaacada Shabelle, wuxuna si kulul uga hadlay hadalo dhawanahaan ay idaacada shabelle siidaynaysay oo ahaa in Hay’adaha Turkiga ay laaluush ku shaqayso.

Isbaarooyinkii waa la qaaday laakiin waxaa la qaadin wali isbaarooyinkii media-yaha qaarkood sida idaacada shabelle, fikirkii baa ka dhamaaday been bay sheegeysaa ayuu cod dheer ku sheegay Gudoomiye Tarsan”.

Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur ayaa sidoo kale waxa uu raali gelin ka bixiyey aflagaado sida uu sheegay kula kacday idaacada Shabelle Dawlada Turkiga oo soo caawiyey xilligii abaaraha waddanka Somalia.

Halkani riix Dhagayso hanjabada Tarsan Ee idaacada

“Waxaan opologies aan ka bixineynaa gafkii ay idaacada shabelle idiin geystay,anoo afka shacabka muqdisho ku hadlaya raali ahaada walaaleheen Turkiga soo dhawaada dalkeena waad caawiseen ayuu yiri Tarsan”.

Source: MN

COMMENTS