February 27, 2013 | Posted by admin

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in todobaadka soo socda uu furmi doono kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, iyadoo uu heer gabo gabo ah marayo fasixii ay galeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wareysi uu siiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka idaacada dowlada ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in 2-da bisha Maarso uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, isagoo xusay in kalfadhiga uu furi doono Madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaa todobaadka soo socda ee taariikhdu tahay 2-da bisha Maarso oo ku beegan Sabtida waxaa noo bilaaban doono kalfadhigeena labaad ee Baarlamaanka, waxaa galnay fasax labo bilood ah, waxaana xildhibaanada sharafta leh ka codsaneynaa inay dalka dib ugu soo laabtaan” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Mr Jawaari ayaa sidoo kale tibaaxay in loo baahan yahay in Mudanayaasha Baarlamaanka ee fasaxa ku maqan inay soo xaadiraan ka hor 2-da Maarso, si buu yiri marka uu furmayo kalfadhiga labaad uu kooramka si buuxa ugu furmo.

Bisha Maarso ayaa la saadaalinayay in marka uu kalfadhiga baarlamaanka furmo inay wax iska bedeli doonaan siyaasada dalka, iyadoo guux badan uu jiray, kaast ku saabsanaa olole siyaasadeesan oo Xildhibaanada ka wadeen magaalada Nairobi iyo Muqdisho.

COMMENTS