December 12, 2012 | Posted by admin

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaminayo gudoomiyaha baarlamanka Dalka Jabuuti Idiris Cali.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti iyadoo socdaalka gudoomiyaha ay ku wehliyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka jamhuuriyadda Jabuuti.

Xubnaha ka socday dowlada Jabuuti ayaa waxaa si weyn garoonka diyaaradaha Muqdisho ugu soo dhaweeyay dhigiisa dalka Soomaaliya Prof. Jawaari, xildhibaano, saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo dadweyne kale.

Markii ay wafdiga ka soo dageen garoonka Adan Cadde Airpotta ayaa waxaa shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay gudoomiyaha baarlamanka Jabuuti iyo gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya.

Afhayeenka baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ugu horeyntii la hadlay saxaafada ayaa sheegay in imaashaha afhayeenka baarlamanka Jabuuti uu yahay mid xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya labada dal isagoona carabka ku dhuftay in uu yahay gudoomiyihii ugu horeeyay oo ka socda dalalka afrika ee yimaada Muqdisho.

Sidoo kale, afhayeenka baarlamanka dalka Jabuuti Idiris Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa tibaaxay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu yimaado magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ka socota dowlada Jabuuti ayaa haatan kulan kula leh Hotelka City Balaaza ee magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyadoona lagu wado in ay ka qeyb galaan kulanka baarlamanka Soomaaliya ee ka socda xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

COMMENTS