February 13, 2013 | Posted by admin

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda  dalka Ethiopia, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa waddankaasi.

Afhayeenka oo ay la socdeen guddoomiyeyaasha guddiyada baarlamaanka ayaa magaalada Addis kulan kula qaadan doono dhiggiisa dalkaasi oo casuumaad u soo diray, guddoomiyaha Baarlamaanka.

Afhayeenka baarlamanka Soomaaliya Mudane Madaxmed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in u jeedka socdaalkooda uu yahay mid ku saleysan kulamo ay ka qaadan donaan madaxda baarlamaanka dalka Ethiopia.

Waxa uuna intaasi ku daray ay ka wada hadli donaan sidii ay wada shaqeyn  buuxdo u yeelan lahaayeen baarlamanaada Soomaaliya iyo Ethiopia  iyo arrimo kale oo quseeyo labada wadan.

Waxaana gudoomiyaha garoonka ka sogootiyay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ku jireen xildhibaano.

COMMENTS