October 17, 2017 | Posted by admin

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa Gibi ahaan Fasax la geliyay Goobaha Waxbarashada ee Xamar, Ka dib Amar ka soobaxay Dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday In Maalinta Biri ah la dhigi doono Banaanbax Wayn oo ay ka soo qayb galayaan Shacabka Magaalada Muqdisho, Kaas oo looga Soo Hor jeedo Qaraxii Cuslaa ee dhawaan ka dhacay Iskooska Soobe ee Muqdisho.

Wadooyinka Muqdisho ayaa La xiri doonaa Maalinta Birita ah Kaas oo saameen ku yeelan doona isu socodka Gaadiidka dadwaynaha iyo Goobaha Waxbarashada, iyo Ganacsiga intaba.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqda Muqdisho ayaa Maanta shaaciyay in Maalinta Bari ah la soo afjari doono Sadax Maalin oo Baroor diiq ahaa Kaas oo Dowladu Ka dib Qaraxii ay ku dhawaaqday.

Maalinta Barita ah ayaa La sugayaa in Magaalada Muqdisho uu ka dhaco Banaanbax kii Ugu Waynaa kaas oo ka dhici doona Garoonka Kubada Cagta ee Koonis.

COMMENTS