September 29, 2016 | Posted by admin

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Xubnaha Golaha wasiirada soomaaliya ayaa waxaa Lagu lafa guray arimaha ay ka mid yihiin duqay mihii shalay ka dhacay magaalada galkacayo ee xarunta gobalka Mudug.

Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya, ayey dowladda Soomaaliya ku dalbatay in Mareykanka uu sharraxaad buuxda ka bixiyo weerarkaas iyo sida ay ula socodsiiyeen hay’adaha amniga Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka lagu sheegay “Golaha waxa uu walaac ka muujinayaa sheegashada Puntland ee weerarkaas”, wuxuuna ku baaqay in Galmudug iyo Puntland ay xiisadda dejiyaan.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay in guddi wasiiro loo saaray inay baaritaan ku sameeyaan weerarkaas.

Daacad Muqdisho

 

COMMENTS