June 26, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Kulan ay shalay galab ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo uu shir guddoominayay ra’iisal wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa lagu ansixiyay guddiga farsamada ee soo xulayo ergada ansixinta dastuurka qabyada ah.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka xubnaha golaha wasiirrada ayaa lagu sheegay in dood iyo falanqeyn dheer kaddib la meelmariyay guddiga farsamada oo ka kooban 27 xubnood, kuwaasoo ka soo shaqeyn doono fududeynta soo xulidda ergada ansixineysa dastuurka cusub.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa lagu sheegay in uu dhammaaday waqtigii shaqada guddiga madaxa banaan ee dastuurka sida ku xusan qodobbadii ka soo baxay shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka ay ku yeesheen magaalada Nairobi toddobaadkii hore.

Golaha wasiirrada ayaa waxay kaloo isku raaceen in uu furmo shirka ansixinta dastuurka 12-ka bisha dambe ee July iyo in shacabka Soomaaliyeed qabyo qoraalka loogu soo bandhigo 24-ka saac ee soo socota.

Shirka golaha oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa sidoo kale xubno ka tirsan wasiirrada looga dhageystay warbixinno la xiriira waxqabadka wasaaradahooda.

Magacyada guddiga farsamada:

1. Bashir Warsame Jama

2. Engineer Abdirahman Mohamed Osman

3. Halima Ismail Ibrahim

4. Mohamed Ali Hayle

5. Fowsia Abikar Nur

6. Dahir Warsame

7. Jama Salad Mohamed

8. Sadiq Abshir Garad

9. Fadumo Jama Jibril

10. Faisa Mohamed Layli

11. Professor Abdullahi Hassan Hussein

12. Dr. Yasin Salah Ali

13. Dayib Mohamed Ali

14. Abdirizak Ahmed Farah

15. Showqi  Ahmed Hussein

16. Hamad Hagi Ali  Hassan

17. Hassan Ahmed Ibrahim

18. Abdiwahid Sheikh Osman

19. Salim Ma’ow Hagi

20. Abdulle Ahmed Yusuf

21. Abshir Warsame Jama

22. Professor Abdullahi Osman Hiireg

23. Engineer Salah Sheekh Osman

24. Mohamed Aden Ibrahim (Fargeto)

25. Qasim Iidow Ibrahim

26. Sheikh Qasim Ibrahim

27. Halima Omar Ahmed

COMMENTS