March 21, 2017 | Posted by admin

Xubnaha Golaha wasiirada soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta lagu dhawaaqayo Xili xalay dib udhac uu ku yimid.

Magacaabista Golaha wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya ayaa Xalay lagu weday in ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Madaxtooyada soomaaliya.

Saxaafada ayaa Laga wacay Xalay Xarunta Dalka Looga arimiyo waxaana lagu wargeliyay in ay Iska laabtaan Maadaama uu dhib udhac ku yimid Ku dhawaaqsita Golaha wasiirada.

Saacadaha soo aadan ayaa la filayaa in Looga dhawaaqo Muqdisho Xubnaha Golaha wasiirada soomaaliya,

Maanta 10:00 Barqanimo ayaa isha lagu wada hayaa Waxa ka soo baxa Xafiiska Raysul wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS