January 22, 2013 | Posted by admin

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shalay kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen qorshaha dib u xasilinta dalka, iyo Maamul u sameynta gobolada iyo degmooyinka laga saaray Shabaab.

Qorshahan oo ah mid loo xil saaray wasaarada arrimaha gudaha sidii ay ku soo diyaarin laheyd habka maamul loogu sameynayo gobolada dalka, ayaa waxaa uu yahay mid la doonayo in dadka deegaanka ay ku soo xushaan dadkii matali lahaa.

Kulanka Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafada la hadlay Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha diinta C/llaahi Abyan Nuur.

Golaha ayaa ka dooday sidii loo dar-dar galin lahaa qorshaha nabad galyada iyo dib-u-xasilinta dalka, kaas oo soo bilowday xiligii lagu jiray KMG, waxaana lagu wargaliyey Wasaarad kasta in ay soo magacowdo guddi u matala ka tala bixinta iyo dhamaystirka qorshaha ballaaran ee lagu Xasilinayo dalka.

Sidoo kale golaha ayaa isla soo qaaday sidii loogu samayn lahaa maamulo gobolada iyo dagmooyinka laga xoreeyey Alshabaab, waxaana Howshaas loo xilsaaray Wasaaradda Arrimha Gudaha inay maamul ku meel gaar ah u sameyso Gobolada iyo Dagmooyinkaas, wuxuuna goluhu dib U dhigay hindisa ay soo gudbisay Wasaarada Arimaha Gudaha oo ka hadlaya qaabka ugu wanaagsan ee loo dhisi karo maamulada Gobolada iyo Dagmooyinka, iyadoo guluhu isku raacay in khamiista soo socota cod loo qaado sharcigaas.

Ugu danbayntii golaha Wasiiradda ayaa isku raacay inaysan aqoonsanayn dhamaan dhulka dowladda ee la iibsaday, la bixiyey, lana kireeyey wixii Ka danbeeyey 1990, waxaana xukuumaddu u xilsaartay guddi ku sameeya baaritaan dhulka iyo hantida dowladda, wuxuuna gudigaas ka kooban Yahay shan wasaaradood oo kala ah, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Garsoorka, Wasaaradda Maaliyadda,iyo Wasaaradda Gaadiidka, waxaana hurmuud u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

COMMENTS