December 11, 2012 | Posted by admin

Madaxda ugu sareysa dowladda ayaa wada tashiyo ka leh dhameystirada Golaha wasiirada Soomaaliya, iyadoo dhowaan lagu wado in la soo magacaabo Wasiiru Dowlayaal iyo wasiir kuxigeeno.

Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay shirar ay ka lahaayeen dhameystirida Golaha Wasiirada ay soo gaba gabeeyeen, iyadoo ay diyaarsan yihiin inta badan xubnaha noqon lahaa Wasiir kuxigeenada iyo wasiiru dowlayaasha.

Inkastoo Xukuumadan ay tahay mid yar, ayaa hadana la ogeyn in Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir kuxigeenada ay ka badan doonaan Wasiiradii horay la magacaabay iyo in kale, ha yeeshee waxaa soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya in min shan wasiiru dowlayaal iyo wasiir kuxigeeno la magacaabi doono.

Sidoo kale waxaa la hadal hayaa in wasiiru dowlayaasha laga dhigay 6-xubnood, halka wasiir kuxigeenada laga dhigayo afar, iyadoo wali aanay jirin tilmaamo cad oo muujinaya tirada loo kala qoondeeyay wasiiru dowlayaasha iyo wasiir kuxigeenada, balse waxaa la leeyahay kama badan doonto 10-xuxbnood.

Xubnaha qaar ayaa waxaa ku jira kuwo ku dhow Madaxweynaha, sidoo kale waxaa iska dhex arki doona beelo masraxa Wasiirada iska waayay, waxaa kaloo ku jira qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka iyo xubno la hadal haayo inay ahaayeen musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in bishan inta aanay dhamaan ay suura gal tahay in la soo magacaabo Wasiir kuxigeenada iyo wasiiru dowlayaasha, iyadoo maalmahan ay jireen olole ay wadeen siyaasiyiin badan oo ay ku doonayaan inay iska dhex arkaan muraayada golaha wasiirada.

Si kastaba ha ahaatee Golaha wasiirada ayaa hada bilaabay inay si dar dar ah u howl galaan, iyagoo la wareegay dhamaan xarumihii wasaaradaha ay ku shaqeyn lahaayeen iyo inay dib u howlgeliyaan xafiisyadii dowlada ku shaqeyn lahayd.

COMMENTS