February 18, 2017 | Posted by admin

Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in dhawaan oo ku dhawaaqo xubnaha golaha wasiirada ee maamulkaasi sida aan wararka ku heleeno.

Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa Maalmahaan muqdisho ujoogay arima ku saabsan la tashiyo uu la sameenayo Xubnaha siyaasiinta ah ee ka soo jeeda Hirshabeelle.

Maanta ama Waqtiyada soo aadan ayaa lagu wadaa in la shaaciyo xubnaha golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa dhowr jeer hor tegay Baarlamaanka Maamulkaasi waxa uuna ka codsatay in in ay waqtiga ay ukordhiyaan si uu usoo magacaabo xubnaha gola wasiiro oo taya leh.

Xildhibaanada Baarlamaanka hirshabeelle ayaa loogu baaqay in ay soo gaaraan Magalaada Jowhar si ay shaqadooda ay ugutaan Xildhibaanada.
Maxamed daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS