January 11, 2018 | Posted by admin

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa
war-murtiyeed ay soo saareen waxaa ay uga soo
horjeesteen go’aan ay Maxkamadda sare ee
dalka dib ugu dhigtay doorashada Kuraasta ka
banaan golaha shacabka Soomaaliya.

 
Waxaana Golaha iskaashiga ku doodayaan in
doorashada kuraastaas la siyaasadeeyay iyaga
oo Guddiga doorashada madaxabanaan ugu
baaqay in doorashadaas ay qabtaan.
Kuraastaas waxaa ka mid ah midka Taliyihii hore
ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sambaloolshe
oo laga soo doortay Hirshabeelle iyo Kursigii
Wasiirkii howlaha guud Cabaas Sheekh Siraaji oo
isna laga soo doortay Jubaland.

26753950_1930376216990092_1496806585_n

COMMENTS