March 5, 2012 | Posted by admin

Muqdisho:- Masuuliyiinta iyo Saraakiisha sar sare ee Dowlada KMG ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolada Bay iyo Bakool iyo waliba hogaanka golaha tolka ee beelahaas ayaa baaq wada jira ay u direen Hogaamiye sare oo laf dhabar ah kana tirsan Al-Shabaab.

Masuuliyiintaan oo la hadlay Warbaahinta Caalamka kana gaabsaday qaarkood magacydaooda ayaa Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ugu baaqay in uu hubka dhigo kuna soo biro Dowlada KMG ee Soomaaliya lana siin doono Magan galyo iyo xilkasta u doono.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka kana mid ah Raga ugu sareeya ee hor boodaya Dagaalada Gobolada Bay iyo Bakool ayaa Warbaahinta u sheegay in dhawaan dhisayaan Maamul uu yeesho Goboladaasi Abuu Mansuurna ku casuumayaan in uu qeyb ka noqdo Maamulka kana tanaasulo wadada qaldan uu hada ku taagan yahay.

Masuulkan waxa uu Xusay in Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur iyo Madaxweyne Sheekh Shariif eesan waxbo ku kala duwaneen Abuu Mansuurna Dowlada kusoo biiri karo isaga oo tusaale usoo qaatay Madaxweyne Sheekh Shariif Xiligii uu Maxaakliimta Hogaaminayay ee Xilka ka tureen Ciidamada Itoobiya.

‘’Waxbo yaan abuu Mansuur lagu mashquulin loona maleyn Aragagaxiso waxaan idin sheegayaa in Sheekh Shariif iyo Abuu Mansuur waxba isdhaamin hal meelna hoosha kasoo wada bilaabeen ‘’ ayuu yiri Xildhibaankan katirsan Dowlada oo Magaciisa qariyay.

Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in Saraakiil iyo Masuuliyiin katirsan Gobolada Bay iyo Bakool ku hoolanyihiin sidii ee wada hadal ula furi lahaayeen Abuu Mansuur si uu qeyb uga noqdo badbaadinta Goboladooda iyo dadkooda.

Magaalada Baydhabo Xiligii ee Shabaab la wareegayeen Sadax sano kahoe wax Dagaalo ah kama dhicin waxa eena Saraakiishii iyo Masuuliyiintii katirsaneed Dowlada ee kasoo jeeday Gobolada Bay iyo Bakool si nabad galyo ah gacanta ugu galiyeen Goboladaasi iyo Hubkoodii Sheekh Muqtara Roobow ABuu Mnasuur.

Iyadoo iminkana xusid mudan tahay in Abuu Mansuur sidii oo kale Baydhabo ku wareejiyay iyada oo wax Dagaalo ah ka dhicin Shacabna wax ku noqon Shabaab isaga Baxaan Baydhabo lana wareegaan Magaaladaasi Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya.

Hadii qorshanan lagu soo xero galinayo abuu Mansuur lagu guulkeesto ayaa waxa ee noqon doontaa jabkii ugu xooganaa ee Shabaab dhinaca Siyaasada iyo Milatariga soo wajaha iyadoo xusid mudan tahay in abuu Mansuur kamid yahay raga ugu taageerada iyo Ciidanka badan ee Al-Shabaab.

COMMENTS