July 10, 2014 | Posted by admin

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe, ayaa maanta waxay shir deg deg ah ka lee yihiin xiisada ka soo cusboonaatay marinka Gaza, iyadoo diyaaradaha Yahuuda ay habeenkii afaraad duqeymo ka geysteen.

Xiisadaan, ayaa ka dambeysay markii dadka reer Falastiin ay ka caroodeen, xiisadii ay Yahuuda ka abuurtay Daanta Galbeed, halkaasoo ay si aan kala sooc lahayn weli ugu xir xireyso caruur, haween, waayeel iyo dhalinyaraba.

Wadamada Jordan, Masar, Tunisia iyo Qatar, ayaa si aan muddooyinkaan dambe looga baran u cambaareeyay duqeymaha ay dadka badani ku dhimanayaan, ee ay diyaaradaha Yahuudu ka geysanayaan Magaalada Gaza.

Wadamada Carabta, ayaa ku baaqay in shir deg deg ah uu isugu yimaado Golaha Ammaanka, si looga arrinsado bay yiraahdeen gardarada qaawan ee Israel ku tahay dadka reer Falastiin.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-moon, ayaa wuxuu Maamulka Yahuuda ugu baaqay in uu is xakameeyo, kana fogaado ku xadgudubka Sharuucda Caalamiga ah.

Sidoo kale Ururka Xamaas, ayaa wuxuu ugu yeeray in uu joojiyo gantaalaha uu ku garaacaayo dhulka Yahuuda, iyadoo laga duulaayo qaboojinta xiisada cakiran, ee ku soo korortay Bariga Dhexe.

Mareykanka, ayaa waxa uu Ururka Xamaas ku eedeeyay mid ku horeeyay duqeymaha, isla-markaana ay Yahuuda iska difaaceyso weerarada kaga imaanaaya xubnaha ka tirsan Ururka Xamaas.

Mareykanka, ayaa labada dhinac wuxuu ugu yeeray inay muujiyaan taxadar, si loo badbaadiyo nolosha dadka sii kordhaaya ee ku la’anaaya duqeymaha xoogan, ee lees weydaarsanaayo.

Duqeymaha habeenkii 4-aad oo xiriir ah lagu garaacay Magaalada Gaza, ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 60 ruux, oo u badan dumar iyo caruur, halka 300 oo kalana ay ku dhaawacantay.

COMMENTS