February 2, 2013 | Posted by admin

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka  fikiraya qaadidda xayiraadda hubka ee Soomaaliya saaran tan iyo 1992-kii, si dowladda cusub ay awood ugu yeelato inay dhisto ciidamo awood leh oo uu dalku yeesho.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa sheegay in dedaallo dheeraad ah loo baahan yahay si loo horumariyo Ciidamada Qaran ee Soomaaliya, sidaas darteedna Golaha Ammaanka uu tixgelin siinayo, isla markaana uu ka fikirayo codsigii dowladda ee ahaa in xayiraadda hubka laga qaado dalka.

“In kastoo ammaanka Soomaaliya uu aad u wanaagsanaaday, halganka wali ma dhammaanin. [Kooxaha] wax iska caabbinta waxay wali wadaan inay fuliyaan weerarradooda iyagoo isticmaalaya weerarro argagixiso iyo shirqoollo bar-tilmaameed,” ayuu yiri Ban Ki-moon.

Waxa uu ka digay in qas-wadeyaasha la siiyo fursad ay ku soo noqdaan, si aanay taas u dhicinna waxa uu sheegay inay tahay in la feejignaado.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya saartay xayiraadda hubka, si loo yareeyo dhiigga ku daadanayay dagaallada sokeeye ee dalka ka qarxay markii xukunka laga tuuray dowladdii madaxweynihii hore, Maxamed Siyaad Barre.

Soomaaliya oo dowlad rasmi ah yeelatay sanadkii hore ayaa dhowr jeer ka codsatay Qaramada Midoobay in xayiraadda hubka laga qaado dalka, si loo dhiso ciidamo tayo leh oo hanta amniga, isla markaana dalka ka sifeeya al-Qaaciddada hubaysan.

COMMENTS