February 16, 2013 | Posted by admin

New-York- Fadhi ay Golaha Ammaanka ku yeesheen Magaalada New-York ee Xarunta Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga dooday intiisa badan qaadista Xayiraadda Hubka ee Saaran Soomaaliya.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen 15 ka dowladood  ee Ku jira Golaha Ammaanka ayaa waxa ay ka doodeen Xayiraadda Hubka Soomaaliya.

Dowladaha Mareekanka ,Faransiiska iyo Briten ayaa intii uu shirka soconayay waxa ay soo  jeedeiyeen in la qaado Xayiraadda dhanka Hubka ah ee Saaran Soomaaliya si ay dowladda Soomaaliya ugu Sahlanaato in ay gacanta ku qabato guud  ahaan Soomaaliya.

Fadhiga ay Golaha Ammaanka ay ku yeesheen Xarunta Qaramade Midoobay ee New-York ayaa dowladda Soomaaliya waxa uga qayb gashay Ra’isal Wasaare Ku xigeen Ahna Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo iyadu qudbad dhinacyo badan taabaneysay halkaasi Ka jeedisay taas oo ay ku soo hadal qaaday dagaallada ka soconaya qaar ka mid ah Gobollada dalka oo u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo Kuwa Midowga Afrika oo isku dhinaca iyo Dhinaca kale Ururka Al Shabaab iyadoo sheegtay in haatan Awooddii Al Shabaab ay wiiqantay.

Ergayga Koowaad ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Cumar Cabdi oo lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Golaha ammaanka Saacadaha Soo socda la filayo in ay qaadaan Xayiraadda Hubka ee Saaran Soomaaliya.

Xayiraadda Hubka ee Saaran Soomaaliya ayaa soo jiitameysan Muddo ka badan 20 Sano iyadoo dowladihii kala duwnaa ee dalka Soomaaray ay dadaal u galeen in  Xayiraadda hubka laga qaado dalka laakiin ay ku hungoobeen iyado dowladda Federaalka iyana dhankeeda ay dadaal xoog leh u Galeyso qaadista Xayiraadda Hubka ee Saaran Soomaaliya

COMMENTS