January 16, 2013 | Posted by admin

NEWYORK-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey oo kulan deg deg ah ka yeeshay xiisadaha dagaal ka taagan dalka Mali ayaa soo dhoweeyay fara gelinta Milateri ee Faransiiska, kaasoo ka dhan ah Kooxaha Islaamiyiinta Mali.

Dhamaan xubnaha Golaha amaanka ayaa taageeray fara gelinta milateri ee dib loogu soo celinayo nidaamka iyo kala dambeynta, iyadoo Goluhu isku raacay in la dedejiyo Ciidamada Afrikaanka ee la geynayo Mali.

Kumanaan askari ka socda dalalka Galbeedka Afrika ayaa dhowaan loo diyaarinayaa in la geeyo Maali, si ay qeyb uga noqdaan howl galka Faransiiska iyo dowladda Mali ka wadaan waqooyiga dalkaas.

Shalay oo isniin aheyd ayaa Goluhu amaanka kulan deg deg ah uu ka yeeshay arrinta Mali, kadib codsi ka yimid dowladda Faransiiska, waxaana arrintan ay noqotay mid indhaha caalamka ku soo jeedisay xaalada dalkaas.

Danjiraha Faransiiska u fadhiya Golaha Amaanka Gerard Araud ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu baahan yahay in todobaadyada soo socda Ciidamo Afrikaan ah lagu geeyo dalka Mali.

Wasiirka Arrimaha dibada Faransiiska Laurant Fabius ayaa sheegay in Ciidamo ka socda galbeedka Afrika ka imaan doonaan, isagoo xusay in 600-askari ay ugu horeyn ka imaaneyso dalka Nigeria, halka 500-askari ay soo dirir doonaan dalalka Niger, Burkina Faso, Togo iyo Senegal, halka Benin ay soo diri doonto 300-askari.
Inkastoo diyaaradaha dagaalka Faransiiska ay duqeyn cirka ku wadaan dagaalyahanada Islaamiyiinta, ayaa hadana shalay waxay qabsadeen Kooxaha Islaamiyiinta magaalo ku taal bartamaha Mali, kadib markii ay ka saareen Xoogaga Mali.
Faransiiska ayaa ilaa 550-askari u diray magaalooyinka Mopti iyo caasimada Mali ee Bamako, si ay u difaaceen, iyadoo wasaarada gaashaandhigu ay sheegtay in maalmaha soo socda ay u direyso dalkaas 2,500 askari.

COMMENTS