December 8, 2016 | Posted by admin

Degmooyinka Mahaday iyo Buula Burde oo ka kala tirsan Gobalada Sh/dhaxe iyo Hiiraan ayaa waxaa ka jirta Xaalada adag oo deg deg ah ka dib markii halkaasi uu ka dilaacay Cudurka shuban biyoodka.

Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo sidoo kale ah Gudoomiye ku xigeenka Degmada Mahaday ee dhanka Maaliyada oo la hadlay Radio Banadir ayaa sheegay in Cudurka shuban Biyoodka uu ka dilaacay Gobalada Hiiraan iyo sh/dhaxe.

Waxa uu sheegay in Deegaanada Hirshabelle ay ka jirto Cabsida laga qabo Cudurka shuban biyoodka, waxa uuna sheegay in labadii Maalin ee la soo dhaafay cudurkaasi dad uu soo ritay ay ugeeriyoodeen.

Degmada Mahadaay Deegaanada Hoos taga uu ka dilaacay Cudurka waxaa ka mid ah Deegaanada Denlaawe iyo Ceelbaraf.

Image result for mahaday oo shuban biyood ka dilaacay

Xildhibaan Maxamed Bashiir qaasim ayaa xusay in Maanta gurmad deg deg ah lala garay waxa uuna sheegay in uu geeyay Gurmadkaasi isbitaalka Inter Soos ee Magaalada Jowhar.

Dhibaatada Halkaasi ka jirta waxa uu sheegay in uu sababay Biyaha wabiga oo la cabay islamarkaana wasaqaysan.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS