April 22, 2014 | Posted by admin


Taliyaha Ciidanka Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa daboolka ka qaaday in Ciidamada Militariga ee Soomaaliya, oo garab ka helaaya Ciidamada Amisom, ay ku siqayaan Degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), ayaa Isniintii shalay sheegay Ciidamada Huwanta in ay u dhaqaaqeen, sidii Degmada Kuntuwaarey kaga saari lahaayeen waxa uu ugu yeeray argagaxisada.

Taliyaha wuxuu tilmaamay qorshaha Shabaabka looga saaraayo Degmada Kuntuwaarey, ay qayb ka tahay hawlgalada bishii Maarso ka bilowday Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.

Daahir Aadan Cilmi wuxuu kaloo sheegay Ciidamada Dowladda iyo Amisom, in sidoo kale ku dhaqaaqi doonaan Degmooyinka Cadale iyo Aadan Yabaale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

General Indhe-qarshe oo ka hadlaayay Shirweynaha Qaran ee ka soconaayo Magaalada Muqdisho, ayaa qeexay in la dardar-gelinaayo gulufyada la qorsheeyay, Shabaabka in looga saaro dalka oo dhan

COMMENTS