April 22, 2014 | Posted by admin


Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in lagu daba jiro, kuwii shalay Magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino).

Taliyaha wuxuu hoosta ka xariiqay in ay soconayaan hawlgalo ku aadan kuwii geystay falka guracan ee lagu dilay Mudanaha ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, xilli gaari uu watay uu maraayay dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska ee Degmada Xamar Weyne.

Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu dilka Xildhibaan Riino uu ku eedeeyay Ururka Al Shabaab, inkastoo ayba sheegteen in iyagu geysteen dilka Xildhibaankaasi.

General Goobe, ayaa ku waramaaya in muddooyinkii ugu dambeysay ay ka soo raynaysay xaalada amni ee Magaalada Muqdisho, inkastoo uu nabadiidka ku eedeeyay in ay maleygayaan falal ka baxsan ammaanka.

Jananka oo Isniintii ka hadlaayay Shirweynaha Qaran ee ammaanka dalka looga hadlaayo, ayaa balanqaaday in Sharciga ay horkeeni doonaan dambiile-yaasha geystay dilka marxuum Riino.

Xildhibaanka geeriyooday waxaa lala dhaawacay Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux, oo sidoo kale ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana dhaawaciisa lagu dabiibayaa goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

COMMENTS