December 7, 2012 | Posted by admin

Gen. C/laahi Saciid Samatar oo haatan ka mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee maamulka Puntland ayaa sheegay in xiliga doorshada maalin aanan dib loo dhigi Karin.

Musharaxaan ayaa wuxuu sheegay in  waqtiga doorshada in ay dhacdo lagu balansanyahay in uu yahay bisha koowaad ee sanadka cusub isla markaana xiligaan aanan dib loo dhigi Karin.

“waa la ogaa markii la doortay Faroole wuxuu yiri afartaan sano markii ay ii dhamaato si sharaf leh ayaan u soo celinayaa, haatan waxaa muuqata in uu la yimid wax ka duwan hadalkiisii hore”sidaasi waxaa yiri Gen. C/laahi Saciid Samatar.

Sidoo kale wuxuu sheegay Musharaxaan  in madaxweyne Faroole waqtigiisa uu ku egyahay todobada bisha ugu horaysa sanadka cusub, wuxuuna xushay in lolo baahanyahay doorshadu in ay dhacdo maalinta ku xigta ee Sideeda bisha.

“Wixii ka danbeeya todobada bisha Janaayo hadii ay sii joogaan madaxweyne Faroole, wasiiradiisa iyo madaxweyne ku xigaanka, waxay ku joogaan sharci daro”ayuu hadalkiisa ku sii daray masuulkaan.

Maalintii shalay ahayd ayaa siweyn waxaa loogu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso Musharax C/laahi Saciid Samatar waxaana soo dhoweeyay masuuliyiin iyo dadweyne kale oo badan oo taageerayaashiisa ah.

COMMENTS