December 2, 2012 | Posted by admin


Khabiir ka socda shirkada dhismaha garoomada Kubada cagta ee dagan dalka Holland Greenfield ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu u gogolo cowska garoonka oo uu ku socdo dhisme lagu maal gelinayo mashruuca FIFA ee WIN IN AFRICA WITH AFRICA kaas oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalkii ugu dambeeyay Africa ee ka faa’iideysanaya sida uu sheegay xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Khabiirkan dhinaca farsamada Goglista Cows-ka ah ee lagu magacaabo Lex Vander iyo madax ka socotay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo ay hogaaminayeen xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab iyo xubin guddiga fulinta ahna madaxa tartamada Cali Cabdi Maxamed Shiine ayaa maamuusay bilaabida howsha dhigista cows-ka munaasabad ka dhacday garoonka Banaadir gudihiisa maanta.

Mr. Lex vander ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xoghayaha Guud Cabdi Qani iyo madaxa tartamada Cali Shiine.

“Maanta halkan ayaan joognaa si aan u hubiyo aas aaska iyo shaqada dhismaha ee horay usii socotay kaddibna waxaan bilaabi doonaa howsha dhigista cows-ka sida iigu qoran jadwalka ay FIFA isoo siisayna waxaan ku rajo weynahay in dhigista cowska aan soo dhameeyo 20-ka bisha December”ayuu yiri khabiirka oo horay ugu soo guuleystay cows dhigista garoomo badan oo ku yaala Africa.

Madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, mas’uuliyiinta Shirkada EMECO ee la siiyay qandaraaska local-ka ah iyo khabiirka ayaa yeeshay kulan saacado qaatay oo looga hadlayay arrintan sidii loogu soo gabagabeyn lahaa mudadii loo qorsheeyay, iyadoo madaxda xiriirku ay sheegeen in ay waajib tahay howsha in waqtiga loogu tala galay ay ku soo dhamaato.

“Shaqada dhismaha waa in lagusoo gabagabeeyo mudada todobaadyada ah ee khabiirku sheegay ma aqbali kareyno in shaqadu ka dib dhacdo muddada hada u qorsheysan FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubbada cagta waxay doonayaan in ay helaan garoonka oo cowsku saaran yahay bishan 20-keeda”ayuu yiri xoghayaha guud oo kulankaa ka hadlay.

Xoghayaha guud waxaaa uu intaa ku daray in marka khabiirku soo dhameeyo cows dhigista kaddib ay shirkada EMECO bilaabi doonto dhismaha qeybihiisa kale sida VIP-da, dhismaha weyn ee ciyaartoyda qaranku ay ku xaroon doonaan, Baar garoonku yeelan doono iyo qeybaha kale ee dhismaha wareega ka harsan”ayuu yiri xoghayuhu.

Waxaa uu xoghayuhu sheegay in qeybta VIP-da ay ka koobnaan doonto laba qeybood oo kala ah qeyb ay madaxda sare ee dalku fariisan doonaan sida madaxweynaha, ra’isul wasaaraha, guddoomiyaha xiriirka iyo hadii ay mustaqbalka dalka yimaadaan maddax ka socota FIFA ama CAF, halka qeybta kalana ay fariisan doonaan mas’uuliyiinta kale ee dowalda iyo kuwa xiriirka.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu aad usoo dhaweynayaa talaabada FIFA ku horumarineyso Kubbada cagta Soomaaliya, FIFA waxay mar kasta garab taagneeyd Soomaaliya oo ah dal dagaalo si ba’an u halakeeyeen, FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku taamayeen in mar uun ay arkaan horyaalka Soomaaliya oo lagu qabanayo garoon Stander caalami ah leh waana dheceysa taasi mar dhow insha Allah”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay xoghayaha guud Mr.Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa uu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu aad ugu rajo weynyahay in cayaaraha caalamiga ah uu ku marti geliyo dalka gudihiisa laga bilaabo sanadka dambe waxaase taasi ay imaaneysaa hadii xaalada amaan ee dalka Soomaaliya ay hagaagto.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu balan qaadayaa in shirkada EMECO iyo khabiirkanba uu la garab istaago wax kasta oo caawimaad ah si uu ugu fududeeyo in ay howsha ugu gutaan si wanaagsan uguna dhameeyaan waqtiga loo qorsheeyay ”ayuu xoghayaha guud ku yiri war saxaafadeedkiisa.

Sababo la xariira dagaalo ka dhacayay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa hakaday dhismihii garoonkan dabayaaqadii sanadkii 2009-kii kaddib markii mintidiinta Soomaaliya ka dagaalnata ya la wareegeen garoonka islamarkaana qaateen dhamaan qalabklii dhismaha ee yaalay.

Howsha dhismaha xiligaas 50% ayaa la dhameystiray laakin wax kasta kaddib waxay noqdeen in meel Eber ah lagasoo bilaabo.

Hirgelinta garoonkani waxaa ay xitaa kor u qaadi doontaa farsamada ciyaartoyda qaranka oo dhibaato ku qabay ku cayaarista garoomada noocan oo kale ah mararka ay cayaaraha dibadaha aadaan oo cows-ku uu la sibxan jiray maadaama aysan kusoo tababar qaadan garoon cows leh laakin kada kaddib is badal weyn ayaan sameyn doona oo xaga horumarka ah awoodna u yeelan doona in ay garoomada noocan oo kale ah la qabsanaan sidii ay doonaana ugu cayaaraan.

COMMENTS