August 26, 2014 | Posted by admin

Xilli banaanbax rabshado wata ay shalay ka dhaceen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa waxa uu Maamulka Koonfur Galbeed uu ku hanjabay inay sii wadi doonaan banaanbaxyada.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Liibaan Sheekh Fu’aad oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa wuxuu sheegay in ay sii socon doonaan banaanbaxyada ay ka bilaabeen Magaalada Baydhabo.

Afhayeenka, ayaa sheegay in banaanbaxyada ay ku cabirayaan dareenkoodu ku aadan, sida ay kaga go’an tahay in dadka deegaanka loo daayo Maamulka 6-da Gobol ee Koonfur Galbeed, kaa oo uu sheegay inay ku qanacsan yihiin, sida uu yiri.

Liibaan Sheekh Fu’aad wuxuu Madaxda Dowladda Somaliya uu ku eedeeyay inaanay u muuqanba rabitaanka dadka deegaanka, balse ay iyagu sii wadi doonaan banaanbaxyada ay dareenkoodu ku cabirayaan.

Wuxuu soo hadalqaaday banaanbixii Isniintii ka dhacay Magaalada Baydhabo, uu ahaa mid ay kaga hortagayeen in Ra’iisal Wasaare C/weli uu booqasho ku yimaado Baydhabo, si uu kaga furo shirka maamul u samaynta 3-da Gobol.

Banaanbixii shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo, ayaa waxa uu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca saddex kale

COMMENTS