April 17, 2014 | Posted by admin

Iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Magaalada Kismaayo ka wado qorshe ku aadan in dib loogu soo celiyo Magaalada Kismaayo Barre Hiiraale, ayaa xubno ku dhaw-dhaw barre waxa ay sheegayaan inaysan marnaba dooneyn dib ugu noqoshada Magaaladaasi.

Mahad Macalin C/raxmaan oo kamid ah xubnaha ku dhaw-dhaw Barre Hiiraale, ayaa sheegay inaysan marnaba dooneyn inay dib ugu soo noqdaan Magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay inaysan dooneyn qorshaha Ra’iisul Wasaaraha uu wado, maadaama ay jirto xiisada ku aadan waxyaabihii shalay ay kuwada dagaalameen.

Garabka Barre Hiiraale ayaa arinta kale oo ay ka biyo diidsan yihiin waxa ay tahay inay ku eedeynayaan maamulka Jubba inay dilal ka geysteen magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose ayaa hada wada dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa Barre Hiiraale arinta Kismaayana la xalin lahaa.

COMMENTS