July 20, 2014 | Posted by admin

Allaha u naxariistee Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe oo shalay ku geeryooday magaalada Buuhoodle ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaaladaas.
Marxuumka ayaa kamid ahaa odayaasha soo xulay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana loo xilsaaray aaska marxuumka 21 xubin.
Afhayeenka golaha dhaqanka ee Buuhoodle, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa sheegay in marxuumka geeryooday uu ahaa shaqsi cibaadada Alle ay ku badneyd, bulshadana wax badan u tari jiray.
Allaha u naxariistee Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe ayaa shalay gelinkii dambe geeriyooday, mana jirin wax xanuun ah oo hayay marxuumka, isda uu sheegay Cabdirisaaq Garaad Soofe oo la dhashay marxuumka.

COMMENTS