November 11, 2012 | Posted by admin

Ganacsade Xiireey Qaasim Wehliye AUN

Allaha u Naxariistee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Ganacsade Xiirey Qaasim Wehliye oo si aad ah looga yaqiinay dalka Soomaaliya.

Marxuum Xiirey Qaasim waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho Sanadka markii uu ahaa 1929-kii

Sanadkii 1956 Ganacsade Xiirey Qaasim Wehliye waxa uu ka qalin jibiyay Jaamacda Geneva kana bartay Siyaasadda iyo Maamulka (political & Public Adminstration).

Isla sanadkii 1956 waxa uu dalka Mareykanka u tagay takhasus jaamacadeed kaas oo ahaa warshadeynta Wadamada soo koraya.

Sanadkii 1957 waxa uu kusoo laabtay dalka, isagoo intii udhaxaysay 1958- 1967 Guddoomiye Degmo iyo mid Gobol ka noqday Gobolka Banaadir, Jowhar, Aadan yabaal, iyo magaalada Kismaayo ee xarunta  gobolka Jubbada hoose.

Sanadka markii uu ahaa 1967— 1990,  Wuxuu ahaa aasaasimihii iyo maamulihii Guud ee warshadda Bayl iyo tan saabunta  sidoo kale waxa uu soo noqday Agaasimihii iyo Aas-aasihii shirkadii Marmarka iyo dhowr shirkadood oo kale.

Marxuunku waxa uu ifka uga tagay 30 carruur ah kuwaas oo isugu jira waxa uu dhalay iyo wixii ay sii dhaleen.

ILAAHEY NAXARIISTII JANO HAKA WARAABIYO QOYSKII IYO EHELADII UU KA TAGAYNA SAMIR ALLAHA KA SIIYO..AAMIN…AAMIIN..AAMIIN.

COMMENTS