February 10, 2018 | Posted by admin

Mid ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku soo baxay liiska Sharikado Ganacse oo uu Mareykanka cunaqabateyn saaray ayaa beeniyay eedaha loo heysto.
Maxamed Mire Maxamed oo magaciisa liiska uu ku soo baxay Maxamed Mire Cali Yuusuf oo ah milkiilaha sharikadda Al-Mutawafaq ee ka midka ah sharikadaha loo heysto in ay Daacishta Soomaaliya taageeraan ayaa beeniyay in uusan xiriir lalahayn ururkaas.
Maxamed Mire oo lahadlay VOA-da isaga oo jooga Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka ayaa beeniyay eedaha oo heysto oo ay ka mid tahay in ay xiriir wada shaqeyn iyo maal gelin ahba leeyihiin hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya SH.C/Qaadir Cali Muumin.

Maxamed Mire oo ay sharikaddiisu Cuntada ka soo dhoofido Imaaraadk islamarkaana ka soo dejiso degaannada Maamulka Puntland ayaa beeniyay in xitaa uu garanayo Sh.C/Qaadir Cali Muumin.
Milkiilayaasha Sharikadda Liibaan Trading oo iyana ka mid ah liiskan uu soo saaray Mareykanku iyada wali kama hadlin arrintan,waxaa kale oo uu Mareykanka cunaqabateyn saaray labo sharikadood oo kale oo dalalka Turkiga iyo Philippines laga kala leeyahay kuwaas oo loo heysto in ay taageeraan Ururka Daacish.

COMMENTS