June 19, 2017 | Posted by admin

Koox ku
hubeysnaa bastoolado ayaa Xalay Ganacsade Caan ahaa ku toogtay
xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan
ganacsade lagu magacaabi jiray Ibraahim
Cismaan Muumin (Ibraahim Fanax) oo ka mid
ahaa ganacsatada magaalada.
Ganacsadaha ayaa la sheegay in la dilay xili uu
ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa
xaafadda Howlwadaag.
Ibraahim Fanax ayaa la sheegay in uu la shaqeyn
jiray Company lagu magacaabo Goobaalle oo
dhisay inta badan goobaha danta guud ee
xaafaddaha Xaawo Taako. Bundo-Weyn iyo
Howl-wadaag oo ka wada tirsan magaalada
Baledweyne.
Goob joogayaal ayaa sheegay in kooxdii
toogashada geystay markiiba goobta isaga
carareen, waxaana intaa kaddib halkaa gaaray
ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Amniga ayaa saaka Howl-galo ka wada Magaalada Beledwayne, Hasa yeeshee lama oga sababaha loo dilay Ganacsadahaasi.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS