February 3, 2011 | Posted by admin
 

Marxuum Aadan Qarabax

Kooxo ku hubeysan Baastoolado ayaa Caawa Fiidkii ku dilay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ganacsade Soomaali oo caan ah Aadan Hilow Maalin (Adan Qarabax). I

yagoo dhaawacay Ganacsade Marwo Shariifo Caddow Raage oo la socotay marxuum Aadan waxaana falkaas guracan ka badbaaday Dhaqtrar Soomaaliyed oo la socday. marxuumka la dilay ayaa si toos ah loo soo weeraray iyadoo loo adeegsaday Dilkiisii Xabado.

Kooxaha Dilka guracan geestay ayaa la sheegay in ay ahaayeen Dabley Keenyaati ah oo Baastoolado ku hubeysan sida aan warka u helnay laakiin baaritaano ayaa socda lagu ogaanayo sababta ka danbeeysay falkaan foosha xun. Marxuumka Geeriyooaday ayaa isbitaalka loola cararay markii hore hase yeeshee ma suurta galin inuu badbaado.

Marxuumka Aadan Hilowle Maalin, waa ganacsade Caan ka ah,dalka Kenya iyo xaafadda Soomaalidu ay dagto ee Islii. Marwo Shariifo Caddow ayaa soo gaaray Dhaawac, iyadoo lagu dabiibaayo Cusbitaal ku yaala dalka Kenya oo lagu magacaabo Aga Khan Hospital.Waxa kale oo la socday marxuumka kana badbaaday Dr Cabdi Nur Sheikh. Kooxaha Dilka geestay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo Ciidanka Booliska Kenya ay soo gaareen goobta uu falku ka dhacay. Dilkan ayuu waxuu saameeyn weyn u geestay Dadka ku nool Xaafadda Islii, iyadoo aad loo hadal Hayo falkaan oo aad looga carooday dhamaan Magaalada Nairobi.

Wixii kusoo kordha Dib ayaa idin kala socodsiin doonaa falkan foosha xun ee ka dhacay dalka Kenya.

Muktar Katiitow
North America Duhur Media

COMMENTS