September 26, 2016 | Posted by admin

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa sheegay in ay qorshaynayaan howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga bilaabo deegaanada maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo aad farabadan oo soo qaatay tababaro kala duwan , kuwaa soo ku sugan deegaanada  maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in ciidanka laysku dhafi doono oo la mideyn doono si ay Al-Shabaab kaga saaraan degmooyinka iyo sidoo kale deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug ay bilaabayaan guluf colaadeed oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Shacabka kunool deegaanada maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan howgalka ayna taageeraan ciidanka Galmudug.

Alshabaab ayaa hada maamula deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka galgaduud sida Ceeldheer Galcad Xarardheere Mesagawaa iyo Deegaano kale oo ka tirsan gobalka Galgaduud.

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS