May 14, 2017 | Posted by admin

Ciidanka Boliiska Fadaraalka Soomaaliyeed ee Galmudug ee ka howlgala magaalada galkacyo ayaa saaka ku guuleeystay kadib howlgalo ay ka sameeyeen deegaanada gobalka mudug  in ay gacanta kusoo dhigaan gaari land cruser ah oo ay laheyd wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka
dowlad gobaleedka puntland Farxiyo yuusuf xirsi gaarigaas  oo laga soo dhacay sadax maaalmood ka hor deegaano ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka soomaaliyeed ee puntland isla markaana loola soo baxsaday dhanka deegaanada Galmudug

Taliyaha qeybta booliiska gobalka mudug ee Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaana warbaahinta qaranka u sharaxay howlgalka ay ciidamadu kusoo qabteen gaarigaan iyo ciddii  soo dhacday oo uu xusay
in ay ku xiran yihiin saldhiga ciidanka boliiska dagmada galkacyo ee Galmudug waxaana uu yiri taliyaha qeybta booliiska gobalka mudug ee
Galmudug.

(Gaarigaan waxaa si sharci dara ah uga soo dhacay wasiirada darawalkii gaariga u waday waxaana uu damcay in uu gato isagoo ula soo baxsaday dhanka Galmudug laakiin nasiib wanaag waxay noqatay wasiirada gaarigeedii oo nabad qaba in aan furihiisii gacanta ka saarno meeshay doontana ay u wadan karto tuugiina xabsiguu ku jiraa)

wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka dowlad gobaleedka puntland Farxiyo yuusuf xirsi ayaa iyana dhankeeda uga mahad celisay ciidanka booliiska galmudug sida ay markasta ugu heelan yihiinn ka hortagista falalka noocaan oo kala ah iyo in lagu wareejiyo gaarigeedii oo badqaba waxaana dhanka kale wasiiradu ay soo dhaweeysay wada shaqeynta ciidamada boliiska gobalka mudug ee galmudug iyo puntland iyadoona ugu baaqday in ay sii xoojiyaan howsha lagaga hortagayo cid kasta oo isku dayda in falal amaanka wax u dhimi karta ay ka sameyso deegaanada gobalka mudug

Maahan markii u horeysay ee ay soo qabtaan ciidamada booliiska Fadaraalka Soomaaliyeed ee Ka howl Gala Deegaanada Galmudug Gaadiid
laga soo dhacay deegaano ka tirsan kuwa puntland isla mar ahaantaana loola soo cararo dhanka Galmudug mudooyinkii u danbeeyay waxaa isa soo tarayay wada shaqeynta ciidamada booliiska Gobalka Mudug ee labada Dowlad Gobaleed waa Puntland iyo Galmudug.

vlcsnap-2017-05-14-12h27m18s802 vlcsnap-2017-05-14-12h25m14s708-640x360 vlcsnap-2017-05-14-12h24m35s847 vlcsnap-2017-05-14-12h27m18s802

COMMENTS