April 26, 2017 | Posted by admin

Waxaa Diyaar Garow xoogan oo ku
aadan Doorashada Madaxweyne ee
Galmudug laga dareemayaa Magaalada
Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.
Doorashada Madaxweynaha Galmudug
ayaa lagu wadaa in 30-ka Bishaan April
2017 ay ka dhacdo Magaalada Cadaado.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Galmudug
ayaa horay iskula gaaray in 30-ka April
2017 la qabto Doorashada Madaxweyne
ee maamulkaasi.
Hase ahaatee waxaan weli aan guul laga
gaarin wadahadallada Galmudug iyo
Ahlusunna Waljamaaca oo furitaankiisa
caqabado ay ku hor gudban yihiin.
Dhanka kale Dowlada Somaliya ayaa u
muuqata in ay ku fashilmatay wada
Hadalka Labada dhinac iyadoo dadka
qaar ay u arkaan in qorshaha uu yahay
in Galmudug la cuuryaamiyo oo
doorashada dib loo dhigo.

Lama oga In Doorashada Maamulka Galmudug ay dhici doonto Waqtigii loogu Talagalay iyo in ay dib udhici doonto.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS