March 19, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida maamulkaas ay xalay saqdii dhexe gacanta ku dhigeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gaarigan oo la sheegay inuu ahaa gaari Caasi ah, kaasoo lagu qabtay inta u dhaxeysa Caabudwaaq iyo deegaanka Xanan-buure oo Galgaduud Ka Tirsan.

Saraakiisha Nabadsugida Maamulka Galmudug ayaa sheegay in gacanta lagu haayo labo qof oo gaarigaas la socday, waxaana ay tilmaameen in Al-Shabaab ay dooneysay in gaariga qaraxa ku weerarto Caabudwaaq.

Gaariga ayaa la sheegayaa in uu ka yimid Deegaanka Galhareeri oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ay sheegeen inuu soo maray gaariga deegaanada ay gacanta ku heysto Ahlusuna.

Illaa labo gaari ayaa la sheegay in la isku bedelay qaraxa, waxaana gaadiidkii markii hore qaraxa ka soo qaaday Galhareeri uu gaari kale ku wareejiyay markii uu soo gaaray inta u dhaxeysa deegaanada Godinlabe iyo Mareer Gur.

Saraakiisha Nabadsugida Galmudug ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay warbixin dhameystiran ka soo saarayaan gaariga waxyaabaha qarxa sida ee ay gacanta ku dhigeen.\

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS