January 10, 2018 | Posted by admin

Guddoomiyaha amniga Galmudug Maslax Cali Xuseen oo la Hadley idaacad Lagu Magacaabo Goobjoog News ayaa sheegay in ay tiro koobeen dhammaan ciidamada Booliska ee ku sugan gobolka Galgaduud hadana ay bilaabeen Tiro koobka ciidamada ku sugan Mudug.

“Saraakiisha waxaa ay bilaabeen kormeer lagu ogaanayo tiro koobka iyo tayada ciidamada Galmudug sidoo kale waxaa lagu kala ogaanayaa baahiyaha ay qabaan ciidamada iyo sida ay ukala daranyihiin waxaa la kormeerayaa saldhigyada iyo xarumaha ay ku shaqeeyaan”.

Ciidamada Booliska ee ku sugan deegaannada Galmudug ayaa qaba baahiyo isku mid ah oo la xiriira dhanka abaabul la’aanta iyada oo ciidamada mararka qaar ay ku howlgalaan gawaarida shacabka.

COMMENTS