April 25, 2017 | Posted by admin

Sida ay sheegayaan wararka, Wada hadaladan oo qaab hoose ah uga socda Madaxtooyada ayaa waxaa garwadeen ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Ahlusuna ay wali dhankooda wax ka socon la’yihiin, iyagoo wata shuruudo adag, waxaana laga cabsi qabaa in wada hadaladan fashilmaan.

Wasiirka Amniga Galmudug Cusmaan Ciise Taar-Dhuleed ayaa ku eedeeyay Ahlusuna inay diidan yihiin jiritaanka maamulkooda, isla markaana hadii aan illaa maanta xal la helin ay aadi doonaan Cadaado, ayna qabsanayaan doorashadii loo balamay.

Mana muuqato in Doorashadu ay ku dhici karto Waqtigii Horay loogu balamay.

Mas’uuliyiinta Ahlusuna ayaa la sheegay inay soo gudbiyeen shuruudo ay ka mid yihiin in xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug aan lagula tartamin, lana siiyo Xildhibaano, Wasiiro u cayiman iyo xilal kale.

Sidoo kale Ahlusuna ayaa dowladda Dhexe ka raba xilal kala duwna, sida Agaasimayaal, Safiiro iyo Saraakiil ciidan, waxaana Guddiga dowladda u matalaya wada hadaladan ay sheegeen in cida wada hadalka u socdo aanay aheyn Ahlusuna iyo dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa horay ugu heshiiyay in 30-ka bishan la qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug, inta ka horeysay la bilaabo wada hadalo Ahlusuna looga qeyb gelinayo maamulka Galmudug.

Dhanka Ahlusuna waljameeca waxa ay dhawaan soo bandhigeen 10 xubnood oo ay doonayaan in ay ka helaan Xilalka Maamulka Galmudug ee dhawaan dib loo dhisaayo.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

 

COMMENTS