November 22, 2012 | Posted by admin

Gabaygii Misaal Aduun

Gabaygaan oo magaciisu yahey “Miisaal” waxa uu bixinayaa tusmo iyo tusaalooyin nolosha adduunyada, waxa uu taabanayaa arrimaha dalka oo ay la degtey nabad la’aanta baahsan, barakac, iyo dhibaatooyinka kala duwan ee dunida ku haysta shacabka Soomaaliyeed, gabaygu waxa uu jawaab u yahey una Marag furayaa Gabaygii uu curiyey Cabdirixiin Hillowle Galayr ee magaciisu ahaa “Midnimo”.

1. Ma’da gabay Galayrow marbey, ii macaanayd
2. Mugdibaase galay maalmahan, iyo masuug weyne
3. Muusiggiyo markii mudan la sii, mala’awaaleysi
4. Murti iyo markii meel la dhigey ,eray macaanaysi
5. Maankayga waataan ka jarey, miinka maansada’e
6. Waa maadays adduunaan lahaa, yaw ku maalicine
7. Cibaadada muhiimsaan lahaa, mawle uun tuuge
8. Magaalaba ka guur baan lahaa, oo miyiga aade
9. Mashquulkeeda dhaaf baan lahaa, muran adduunyaad
10. Hay yeeshee markaad tirisaybaan , Mooralkeed helaye.

a. Afartaa oraah miiddanoo mudan, maqaamkeed dhe
b. Mayey da’ay cirkoo soo curtiyo miilka gugucii dhe
c. Miisaal adduun iyo murtiyo Mu’handis waayeel dhe

11. Mar haddii muraad yahey midnimmo, ma hurto weeyaane
12. Mid waxaan ka iri meertadiyo ,dunida meegaaran
13. Mid waxaan ka iri maamulkiyo, magaca Soomaali
14. Midna waxaan ka iri maansadiyo, meheraddaydiiye .

15. Mid waxaan ka iri meertadiyo ,dunida meegaaran
16. Macna ma leh adduunyadu haddey, nabaddu miidayne
17. Macna ma leh adduunyadu haddaan, lagu hagayn maane
18. Macna ma leh adduunyadu haddaan, lagu midoobayne.
19. Macna ma leh adduunyadu haddey, Macallin kuu noqone
20. Macna ma leh adduunyadu haddaan, midig la maaleyne
21. Macna ma leh adduunyadu haddaan, laga macaashayne.
22. Macna ma leh adduunyadu haddey, kaa maciintahaye
23. Macna ma leh adduunyadu haddaad, muuq lahayn wacane
24. Macna ma leh adduunyadu haddii, laga masaafoone
25. Macna ma leh adduunyadu haddaad, magan ku joogtaaye
26. Macna ma leh adduunyadu, haddey tahay Masiibaade
27. Macna ma leh adduunyadu haddaad, madi ku nooshahaye
28. Macna ma leha adduunyadu haddii, lagu masuugaaye
29. Macna ma leh adduunyadu haddaan, lays mataanayne
30. Macna ma leh adduunyadu haddaan, lagu makaanayne.
31. Macna ma leh adduunyadu haddaan, laga muraadayne
32. Macna ma leh adduunyadu haddaan, miirku meel dayine
33. Macna ma leh adduunyada haddaan, mulul la daayayne
34. Macna ma leh adduunyadu haddey, meel cidla taale
35. Macna ma leh adduunyadu haddii, laga muhaajiriye.
36. Macna ma leh adduunyadu haddaad, mooggan uun tahaye
37. Macna ma leh adduunyadu haddey, murugo kuu taalle
38. Macna ma leh adduunyadu haddaw, qaranku maaloobo
39. Macna ma leh adduunyadu haddaad, mala’awaalowdo
40. Macna ma leh adduunyadu haddaw, magacu kaa maydhmo.

a. Afartaa oraah miiddanoo mudan, maqaamkeed dhe
b. Mayey da’ay cirkoo soo curtiyo miilka gugucii dhe
c. Miisaal adduun iyo murtiyo Mu’handis waayeel dhe.

41. mar haddii muraad yahay midnimo , Ma hurto weeyaane
42. Mid waxaan ka iri maamulkiyo magaca Soomaali.
43. Maskax dooran, midigtoo hagtiyo, maan wax garanaay
44. Maamulkiisu duulkow adkayn, ma laha towfiiqe
45. Anaa mudan, anaa maaggan iyo, aniga ii miila
46. Masdarkii markii laga tagey, melegtey xaajaduye
47. Saw waxa maqaamkaan na dhigey, muranya dood maaha?
48. Mesalooyin waydiimo mudan, erayo miisaaman
49. Dhulka miiggan ee mudan haddana lagu masaafoodo
50. Xadka magacan ee madax bannayn ee la maamulayo
51. Badda iyo marriimada, maraakiibta kala goosha
52. Macdanta aan la miisaamine, Mareykan loo dhoofsho.
53. Muqdisho Hargaysiyo Berbera madasha Buuhoodle
54. Magaalada Kismaayiyo Markiyo muuqa Beladwayne
55. Moqokori Maxaas iyo illaa ceelka mahadaaya
56. Shanta kala maqnaydiyo dhammaan, midabka Soomaali
57. Miyeydaan arkayn waayihii, nagu mahiibeene.
58. Miyeydaan arkayn maandeeq iyo, mayle lala guurye
59. Miyaydaan arkeyn maalka ba’ay maraqa ciidoobey?
60. Miyeydaan arkayn muunaddiyo, sharafta meel beeshey?
61. Miyeydaan arkeyn maatadiyo, maxasta Soomaali?
62. Miyaydaan arkayn mucurtidiyo, baahiyaha muuqda?
63. Miyaydaan arkayn hooyadiyo, ubadka miir-beelay?
64. Miyaydaan arkayn mililka iyo, malaxda miiraysa?
65. Miyaydaan arkayn ceelka dumey, moolka lagu daatey?
66. Miyeydaan arkayn muruq shishiyo, micidan noo duugan?
67. Gumaystuhu haddaw kugu muq baxo, waw ku malafsaniye
68. Macdantiyo haddaw kaala harin, muunaddiyo maanka
69. Madfac haadayaa nimaw maraw, maanku tegin weeye.

a. Afartaa oraah miiddanoo mudan, maqaamkeed dhe
b. Mayey da’ay cirkoo soo curtiyo miilka gugucii dhe
c. Miisaal adduun iyo murtiyo Mu’handis waayeel dhe.

70. Mar haddii muraad yahay midnimo , Ma hurto weeyaane
71. Midna waxaan ka iri maansadiyo, meheraddaydiiye dhe.
72. Mas mariidan ninka meel dhigtee, maraqa siinaayo
73. Mindhismaha nin soo dhigey wedkiyo Mulaca laalaaban
74. Nin Maroodi daajinahayoo, daba mislaynaayo
75. Mahuriyo ninkaan kala aqoon Malagga mowdkiisa
76. Allow yaa u meeriya intaan, lagu misaal qaadan
77. Nin qaxooti mayracanayoo, qaranki maasheeyey
78. Meseggiyo musaacado nin uun, maganta tuugaayo
79. Muruqiyo nimaan aaminayn, midigta maalkiisa
80. Maslaxiyo nimaan kala aqoon, maara iyo mawqif
81. Allow yaa u meeriya intaan, lagu misaal qaadan.
82. Magalooti nin maqsuud ka yiri, dunida meegaaran
83. Masjidkiyo nimaan magansanayn, Mowlac iyo meelsan
84. Xaraan mubaax iyo nimaan, kala aqoon muuno
85. Oo munaafaqayntiyo ku dheer mowjadaha beenta
86. Allow yaa u meeriya intaan, lagu misaal qaadan
87. Mujtamaceenna Soomaaliyee, muranka dayn diidey
88. Maalin Eebba keenaba dadkaan, macangaglaynaayo
89. Majaraha in loo rogahayoo, miinno lagu raadin
90. Miihaaladdoodiyo ma oga, maan mushkiladeede
91. Allow yaa u meeriya intaan, lagu misaal qaadan.

Maxamed Cilmi Dhicisoow
[email protected]

COMMENTS