February 21, 2014 | Posted by admin

Gabar iyo wiil Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay inay ka mid noqdeen dambiilayaasha baxsadka ah ee ay ugu raadiska badan yihiin booliiska magaalada Toronto ee dalkaas Canada iyadoona dadweynaha reer Canada laga codsaday inay ka caawiyaan booliiska sidii loo soo qaban lahaa dambiilayaashaas.

Booliiska magaalada Toronto ee dalkaas Canada ayaa waxaa uu dhawaantaan soo bandhigay liiska dambiilayaasha qatarta ku ah dalkaas ee baxsadka ah ee ay booliiska dalkaas Canada ay baadi goobka ugu jiraan, dambiilayaashaan oo ah kuwa ay booliska dalkaas Canada ay si aad iyo aad ay u baadigoobayaan ayaa waxaa ka mid ah Gabar iyo wiil Soomaaliyeed oo loo heysto inay fal dambiyeed ay galeen islamarkaana ay ku dhuumaaleysanayaan dalkaas Canada gudigihiisa, Gabadhaan Soomaalida aoo lagu magacaabo Shaadiya Maxamed Muuse ayaa waxaa loo heystaa inay dishay gabar yar oo ay si qarsoodi ah ay u dhashay, sidoo kale ayaa waalka Soomaaliga ah ee asagana lagu magacaabo Cabdinaasir Cabdi ayaa asagana waxaa loo heystaa fal dambiyeedyo kala duwan oo ay ugu horeysa inuu dhowr jeer uu kufsaday haween kala duwan, Liiskaan ay ku jiraan wiilkaas iyo gabadhaas Soomaalida ah ayaa waxaa kale oo ku jira rag gaangiistaro ah oo iyagan loo raadinaayo inay geyteen fal dambiyeedyo kala duwan.

Ugu dambeyntiina iyadoo booliiska magaalada Toronto ee dalkaas Canada ay soo bandhigeen sawirada iyo magacyada dadkaas ay ku jiraan wiilkaas iyo gabadhaas Soomaalida ee loo heysto dambiyada kala duwan lana baadi goobaayo sidii loo horkeeni lahaa sharciga ayaa arintaas waxay tahay mid aysan booliiska dalkaas Canada aysan sameyn inta badan laakiin maadaama ay arintaan tahay mid ay booliisku ay ka go’an tahay inay si dhaqso leh ay u soo qabtaan dambiilayaashaas ayey waxay u soo bandhigeen sawiradooda iyo magacyadooda shacab weynaha reer Canada si ay uga caawiyaan soo qabashadooda islamarkaana loo horkeeni lahaa maxkamada si loogu qaado dambiyada lagu soo eedeeyey.

COMMENTS