October 11, 2012 | Posted by admin

Qaarada Africa waxa ay ka mid tahay meelaha aan si saaniga ah dumarka looga qeybgalin arrimaha siyaasadda.

Si kastaba, Proscovia Oromait Alengot waa 19-jir u dhalatay dalka Uganda, waxa ay noqotay gabadhii ugu horreysay ee da’daas ka mid noqoto baarlamaanka qaaradda Africa.

Dadaal ay sameesay ayaa bishan loo doortay xubin ka tirsan baarlamaanka dalka Uganda, waxa laga soo doortay degmada Katakwi  ee bariga dalka  Uganda.

Wali shaki ayuu keenay da’da ay jirto Ms. Oromait iyo in ay xitaa ka mid noqoto baarlamaanka dalka Uganda, iyadoo la baaray DNA

Ka hor inta aan loo dooron xubin baarlamaan waxa ay jecleed baarlamaanka, inta badan waxa ay waqtigeeda ku qaadatay Jaamacadda iyo dhismaha baarlamaanka.

Alengot waxa ay howashan si weyn uga soo dhex muuqatay markii uu dhintay aabaheed, Michael Oromait, oo u geeriyooday cudurka dhiigkarka, subaxnimadii Sabtida July 21,sannadkan. Waxa ay ku guuleesatay xubin baarlamaan gobalka Usuk.

Qaad ka mid ah dadka deggan xaafada ay ku nooshay Alengot  waxa ay lee yihiin waxaaba ay jecleed xubin baarlamaanka ama wasiirka waxbarashada dalka Uganda.

Wargeysyadda dalka Uganda ayaa soo xigtay qaar ka mid ah qooskeeda waxa ay lee yihiin Alengot aad ayey u rabtay in ay noqoto xubin baarlamaan markii uu dhintay aabaheed.

Waxa ay noqotay wararka ugu waaweyn ee lagu sheekeesto deeganka in 19-jir ay noqoto xubin baarlamaan dalka Uganda.

Waxa ay ku guuleesatay 54.2 % codadka la dhiibtay,

Alengot sannadkii ugu horreyhay waxa ay baratay maadada is-gaarsiinta communication Jaamacadda Christian University ee Mukono ee Kampala.

Qaar badan oo ardayda wax ka barta dalka Uganda waxa ay u arkeen tallabada ay sameesay  Ms. Alengot mid dhiiri galinaysa in dhallinyarada ay ka qeyb qaataan siyaasadda.

Uganda maanta waxa ay u dabaal degeysaa 50-guuraddii ka soo wareegtay markii ay xornimada qaatay. Wali dalka wax aka jira caburin lagu hayo mucaaradka.

COMMENTS