April 18, 2014 | Posted by admin

Wasaaradda Gaashaanidhigga ayaa  faah-faahin ka bixisay ciidamo gaar ah oo ku howlgalaya magaca Qaramada Midoobey, kuwaasoo waajibaadkoodu yahay ilaalinta Xafiisyada Qaramada Midoobay.

Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa saxaafada u sheegay in shalay ay dalka soo gaareen ciidamo gaar ah oo qaabilsan ilaalinta xarumaha Qaramada Midoobay ay ku leedahay dalka.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in ciidamadaasi ay ka warqabto dowladda isagoo tilmaamay ineey ka koobanyihiin 410 askari oo laga soo xulay ciidamada dalka Uganda.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadaasi aysan wax shaqo ah ku laheyn howlgallada ay dalka ka wadaan ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM balse ay shaqadoodu ku koobnaan doonto oo kaliya ilaalinta xafiisyada Qaramada Midoobay.

COMMENTS