December 23, 2012 | Posted by admin

Waxaa caawo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland lagu dilay Allaha u naxariiste Gaashaanle Sare Cabdullahi Xuseen oo ka tirsanaa saraakiisha booliska Gobolka Nugaal.

Sida ay sheegeen goob-joogayaal, marxuumka waxaa bartamaha Garowe ku toogtay nin dhallinyaro ah oo bastoolad ku hubaysan, xilli uu gurigiisa ku sii jeeday, iyadoo uu goobta ka baxsaday ninkii dilka fuliyay.

Ciidamada ammaanka Puntland oo gaaray goobta ayaa baaritaanno billaabay, waxayna saraakiisha ciidamadu sheegeen inay ku raad-joogaan ciddii ka dambaysay dilka sarkaalka.

Marxuumka ayay la sheegay inuu ifka uga tagay 6 caruur ah iyo hal xaas.

Dilalka noocaan oo kale ah kuma badna Garowe, inkastoo bartamihii sanadkan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland magaalada lagu dilay.

COMMENTS