November 17, 2012 | Posted by admin

Nin hubeysan ayaa shalay jimcihii magaalada gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari ku dilay laba booliska dalka Kenya, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan laamaha amaanka Kenay.

“Laba sarkaal oo ka mid ah booliska ayaa la diley, iyagoo ay ku jiray shaqadooda ama roondo, nin ayaana hubeysan rasaas ku furay”, ayuu yiri sarkaal ka tirsan madaxda booliska Kenya ee Gaarisa, isagoo la hadlayay wakaaladda wararka AFP.

Sarkaalkan ayaa sheegay in askarta la dilay laga qaatay hubkii ay siteen oo ay ku shaqeynayeen, wuxuuna yiri “Askarta la dilay waxaa laga qaatey hubkii ay siteen, waxaana ku tuhmeynaa in ay arrintan ka danbeeyaan Alshabaab ee xiriirka la leh Al-qaacida”.

Magaalada Gaarisa ayaa waxaa sidaan oo kale horay loogu dilay xubno ka tirsan booliska Kenya oo qoryahana laga qaatay, iyadoo weeraraadaas qaarkood ay sheegteen Alshabaab.

Todobaadkii la soo dhaafey waxaa maleeshiyo beeleed lo’ dhacay oo kasoo jeeda qabiilka Boran dileeen ilaa 42 qof askari oo ka tirsanaa booliska Kenya, kadib markii ay ku qaadeen weerar gaadmo ah.

COMMENTS