July 29, 2014 | Posted by admin


Wasaaradda Amniga qaranka iyo maamulka degmada Cabdicasiis ayaa maanta soo bandhigay gaari uu leeyahay qof rayid ah oo lagu xiray walxaha qaraxa, iyadoo gaariga la dhigay meel u dhow xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha degamada Cabdicasiis Cismaan Muxiyadiin Cali ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku guuleesteen in ay fashiliyeen dhagar ay maleeshiyada Al-shabaab la damacsanayd dad rayid ah, kadib markii shacabka degamda ay ku soo wargeliyeen in gaariga lagu xiray walxaha qarxa.
Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay wadashaqeynta shacabka iyo laamaha ammaanka, isagoo sheegay in arintaasi ay tahay tallaabo wanaagsan oo lagu xaqiijin karo amniga.
Afhayeenka wasaaradda amniga qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay inay dhiigragelinyaan ciddii soo sheegta xog ku aadan fal lagu khal-khal gelinayo ammaanka.
Waa markii labaad muddo todobaad ah oo ay shacabka ku soo wargaliyaan hay’adaha amniga gaari waxyaabaha lagu qarxay, iyadoo dhowaan gaari uu leeyahay wariye ka shaqeeya warbaahinta dowladiisa lagu xiray walxa qarxa ay hay’adaha amniga u sheegeen shacabka degmada Waaberi.

COMMENTS