June 25, 2015 | Posted by admin

Gaari ay la socdeen Ciidamada Kenya, ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay lagu gubay deegaanka Likooley ee Gobolka Gedo, xilli kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya ay sahay u wadeen deegaanka Ceelcadde, oo fariisimo ay Ciidamada Kenya ku lee yihiin.

Wararka, ayaa waxay sheegayaan in kolonyadaasi la weeraray, xilli ay ka soo gudbeen xuduuda Gobolka Gedo uu la lee yahay dalka Kenya, waxaana wadada u galay xoogag Ururka Al Shabaab ka tirsan.

Shabaabka, ayaa qaraxyo iyo gantaalaha garbaha laga gano u adeegsaday kolonyadii ay Ciidamada Kenya wateen, iyagoona halkaasi ku gubay mid ka mid ah kolonyadaasi, oo askar ay la socotay.

Labada dhinac, ayaa waxaa halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala gedisan loogu adeegsaday, waxaana kolkii dambe Shabaabka lagu khasbay inay halkaasi isaga baxaan.

Ciidan gurmad ahaa oo ka yimid dhinaca deegaanka Ceelcadde, ayaa Shabaabka ku cadaadiyay inay dib kaga baxaan daafacyadii ay ka dagaalamayen.

Dagaalkan, ayaa waxaa labada dhinac ka soo kala gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, walow ay adag tahay in la helo macluumaad ku saabsan, inta uu khasaaruhu le’eg yahay

COMMENTS